HEESTA BALADWEYN
"Bi'i waa jacaylow
Boodhari inuu diley
Been baan u haystee!
BASKII 35 SHEEKO CAJIIB AH OO QOSOL B ADAN
Bi'i waa jacaylow
Boog aan la dhayinoo
Cidi baanan karinoo
Beerkiyo wadnaa iyo
Bogga kaaga taalliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee.
Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Canabkii bislaadoo
Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu'joogaan,
Sow berisamaadkii
Beledweyne maan tegin.
Dhanka bari magaalada
Sow boqorad joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Bilicdii haweenkiyo
Bili loo dhammeeyoo
Timo boqonta joogoo
Baal goray la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Burcad lagu xiddeeyoo
Badh ku seexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huwanaysa baaloo
Igu beertay lahashoon
U buseelay maan baran.
Sow goor barqa ahoo
Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beerluli
Isku maannu soo bixin.
Sow bariidadaydii
Iyo bedashadeedii
Buundada ciyaartee
Beledweyn ku taallee
Biyo lulata guudkood
Badhtankeeda maahayn.
XABIIBI ADUUNKOO DHANBAA LA HORKEENA
Sow bixiso weeyee
Ballan maannu dhigannoo
Berri joog imay odhan.
Sow bayd go'aygii
Layguma bushaareyn
“maantaa la baxayaa"
Bulshadii imay odhan.
“Sow waa basteyoo
Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan.
Sow taliye baasoo
Ba'anoo war-moogii
Taydii ma beenayn.
Sow badiba kooxdii
Goortay badheedhee
Baabuurki fuuleen
Anna baal kamaan korin.
DUMAR IYO DA MAXAA KALA HEESTA
Boholyow daraaddii
Sow baraq nuglaantii
Belo lagu ducaystiyo
Baryo kuma maqnaynoo
“biri may xumaatuu
Baadroolka daadshoo
Ka wadaa bukoodoo
Bogsan waayo maan odhan.
Sow beriga waagiyo
Barqo kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo
Dherer iyo ballaadhloo
La yidhaahdo baaroo
Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaansanaynoo
Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii.
Sow baaxad soorii
lyo laba boglayntii
Maan noqon besteyoo
Bacadkii ma dheelliman.
Sow galab baqoolkii
Annagoo barwaaqiyo
Meel baad leh joognoo
Tumanayna Beerrey
Sow maan baraarugin.
Riyo beena weeyee
Sow baalla-daymii
Baabuur lalaayood
Haad baalle mooddoo
Fananaaya buur dheer
Isma odhan ka boodoo
Nafta sow ma biimayn.
Nin Banaadir joogoo
Beledweyn la haystoo
Waxaan ahay la baabee
Sow baadi doonkii
Weli baafis maan ihi.
Beledweyn Allahayow
Ka dhig xero badhaadheed.
Beerlula Allahayow
Belaayada hareer mari.
Beledweyn Allahayow
Ka dhig guri barwaaqeed.
Beerlula Allahayow
Beryo samo ku noolee.
Beledweyn Allahayow
Ka dhig beerta raaxada.
Beerlula Allahayow
Ka barii waxyeellada."
0 Comments