Waa maxay (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ahi?
Waxa afka qalaad lagu yidhaa (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah xiliga galmada, xanuunkan oo keena in qofku uu awood u yeelan waayo inuu xajiyo biyaha manida ah xiliga galmada iyadoo dhakhaatirka badankoodu ay isku raaceen in raga qaar ay ku biyo baxan wax ka yar 30sec ilaa 2 minute inta u dhaxaysa, mararka qaarna uu qofku biyo baxo isagoon wali hawshiba bilaabin, xanuunkan ayaa noqday mid fara baas ku haya dhalinyarta qarnigan nool,
Waxa suurto gal ah adigoon is ogayn inaad tahay qof ay dhibaatadani haysato, inaad guursato maalin maalmaha ka mida, mudo yar kadibna aad ogaato inaad tahay qof aan (control) lahayn xiliga galmada lagu gudo jiro,taasina ay ku sababi karto lamaanaha waji gabax iyo raaxo la,aan.(dissatisfaction of marriage). Gabadh ka mida gabdhaha caalamka ku nool ayaa jariirad online ah oo la yidhaa (zawaj.com) kusoo qortay cabasho ay kaga cabanayso ninkeeda iyadoo cinwaan uga soo dhigtay(my husband does not satisfy me in bed) oo macnehedu yahay ninkaygu ima qanciyo, akhriste dumar badan oo caalamka ku nool ayaa ragooda ay dhibatadani la soo daristay iyadoo ay haboon tahay in haweenaydu ay ninkeda ku baraarujiso inuu tago dhakhtar nooca (psychological doctor) ama (therapy sexual healing expert)
Hadaba biya baxani waxa uu dhaca wakhtiga uu ninku ama gabadhu ay ku gudo jirto galmada iyadoo raga qaar ay suurto gal tahayba in wax ka yar hal daqiiqo uu biyo baxo. Warbixin uu soo saaray journal ka soo baxa dalka maraykanka oo loo yaqaan (American medical association journal) wuxuu tilmaamay in rag iyo dumarba kuwa ay da,doodu u dhaxayso 18-59 ay boqolkiiba 14% aanay galmada ku raaxaysan sabab la xidhiidha biya baxa lamanohooda awgeed halka boqolkiiba 26% aanay rabin galmo haba yaraate. Akhriste waxaad maanka ku haysaa in ay aanay xanuun ahayn in ninku biyo bax badani ku yimaad wakhtiga uu ku cusubyahay guurka taasoo ay ugu wacantahay raynranta uu galmada uqabo(sexual excitement)
Maxaa_keena (premature ejaculationka)?
Waxa xaqiiqo ah in waxkasta oo qofka ku dhacaa ay leeyihiin sabab, hadaba dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta ah ayaa waxaynu soo qadan doona dhowr qodob oo ah waxyaabaha keena inuu qofku hore u biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah(psychological factors)(personal problems) qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna marka uu guriga usoo hoydo aan ka helin haweenaydiisa soo dhawayn aad u saraysa, in qofku uu kalsooni daro ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu sayigeeda aanay aad ugu kalsoonayn iyadoon dhiiri galin badan siinin(sexual feeling),
2- Qofka oo ay la soo darsaan dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imid kuwaas oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta oo ku xanuunta (prostate infective diseases) iyo isbadalka ku imaada maskaxda oo qayb wayn ka ah biya baxa qofka.
3- Cabida sigaarku waxay qayb laxaadle ka qadata dhibatadan in qofku uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada, sababtoo ah unugyada dhiiga qaada waxay noqdaan kuwo aad u yaryar(our cells become smaller due to smoking) markuu qofku sigaarka cabo, taasoo hadhaw keenta in dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo(poor blood circulation).
4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad badan inay is waydiiyaan waa maxay sababta cunista qaadku ay biyo baxa u keento, akhriste qaadka oo ay ku jiraan maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka(drug additctive) qofku marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba in hamiga uu u hayo inuu la galmoodo xaaskisu uu yahay mid aad u sareya (high capulation drive) lakin inka yar 3 daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku biyo baxaa(early discharge) isagoo markiiba noqda qof hurdo hayso, taasna waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah daroogo la dagaalamaysa jidhkena(physical and mentally problem) qofkuna aanu awoodin inuu marlabaad xaaskisa u tago.
5- Qodobkan 5aad oo ah ka ugu muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku isku raaceen inuu keeno biyo baxa dagdaga ah80% ayaa waxa loo yaqaan afka qalaad(masturbation) ama qofka oo isagu gacantiisa iskaga keena biyaha isagoo kali ah. Waxa la ogaaday in dhalinyarta rag iyo dumarba ay ugu wacantahay in boqolkiba konton ay ku keento dhibatadaasi biya baxa dagdaga ah marka uu qofku guursado.
6- Daawashada filimada aan haboonayn ayaa qayb laxaadle ka qaata biya baxa dagdaga ah taasoo ay ugu wacantahay inay maskaxda qofka badalaan isagoo qofku aan ogayn ayaa waxa ku iman karta in hadhaw markuu xaas yeesho uu hayn kari waayo biyahii(dawashada filimadaas oo la isku raacay inay hoos u dhigaan raganimada ninka).
#Maxaa_dhibaato_ka_iman karta?
Akhriste, waxaan filaya inaad fikrad fiican ka haysato mawduucan, waxaynu isku dayaynaa ama ay su,aasha ugu muhiimsani tahay, biyo baxa dagdagi ahi rag iyo dumarba dhibaato maku keeni karaa habsami socodka qoyska?
Su,aashan oo in badan muran ka taagnaa ayaa dhawaanahan danbe la isku raacsanyahay in ay jawaabtu tahay HAA!
Way adagtahay in ninku uu ka hadlo dhibaatadan iyadoo raga badankoodu ay qarsadaan taasoo ay u arkaan inay tahay mid aan haboonayn in laga wada hadlo, akhriste dad badan ayaa aaminsan inay tahay ceeb in qof dhakhtar ah ama aqoon u leh dhibaatadan la waydiiyo sidii looga bixi lahaa.
Waxa marag ma doonto ah, in wakhtiga galmada ay niyad jab wayn ku tahay lamaanaha in midkood uu hore u biyo baxo isagoon qofkii kale gaadhin ahmiyadii (climax) taasoo raga ay dhibaatadani haysato ay anfariir ka qaadan, inay la galmoodan xaasaskooda dhibatadan awgeed, iyagoo isku arka inaanay ahayn nin buuxa.
Run ahaantii taasi waxa aad ogata in xanuunkan premature ejaculation uu yahay ka ugu sahlan ee laga dawoobi karo, qofkana nolosha lamaanihiisu ay ku hagaagi karto. Isku soo wada duuboo, dhibaaatada ugu wayn ee ka iman kartaa waxa weeye inaad qancin kari waydo xaaskaga taaso mararka qaar keenta xidhiidh xumo qoys.
Dawo maleeyahay?
Inigoo soo gaadhnay nuxurkii maqaalkeenan, warka fiicani waxa uu yahay in xanuunkan looga dawoobi karo si aad u dhibyar.
Akhriste, hadii aad hore ugu tagtay dhakhtar oo uu kusoo qoray kiniinada awooda siiya ninka xiliga galmada ee ay ka midka yihiin, Viagra, creams, spray etc, waxaad ogaataa in xaaladu ay kasii darayso, waxa la isku raacay in dhamaanba kiniinada noocaas ah ee tamarta siiya raga ay yihiin qaar aan haba yaraatee waxba ka tarin xanuunankan biya baxa dagdaga ah.
Dhalinyaro aad u tiro badan xanuunkan waxa ku keena iyagoo badankoodu daawada filimada aan fiicnayn ama loo yaqaan(blue films) waxay culimadu isku raaceen inay door wayn ka tahay biya baxa dagdaga ah, akhriste hadii aad jeceshahay inaad xaaskaaga qanciso waxa kale oo haboon inaad joojiso waxyaabaha aan hore u soo sheegnay oo aad maskaxdada u sheegto xaqiiqda, waxa kale oo aan hadal ka taagnayn in qofkoo kaligii biyaha iska keenaa uu dhaxli karo biya bax kadib markuu guursado ama ka horba.
Hadaba waa noocee habka ugu fiican ee aad kaga dawoobi karta?
Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)
1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.
2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan. Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)
3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood ka hor wakhtiga aad galmoonayso wax cuntay.
4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )
5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso inaanad biyo bixin.
6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan tijaabi.
7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu isagu iska kenayo.
8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya, waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin doona talooyinka ugu haboon.
Cuntooyinka aad cunayso!
Akhriste, cuntooyinkan waxaad cuntaa maalinkasta mudo 3 bilood ah insha allah waxaad la kulmi doontaa is badal wayn.
Cuntooyinka aad u baahantahay:-
1. Qamadida(habeenkii hadaad heli karto casho ahaan)
2. Xasiida macaan(sweet corns)
3. Baamiyaha(isaga oo qadada lagu karinayo)
4. Beans ka cad
5. bariiska
6. Sesame seeds (Tal)
7. Basasha cad (xabad maalintii way kugu filantahay)
8. Toonta oo aad cunto(very recommended)
9. Karooga, hadii aad ridqi karto isagoo bila sonkor ah
10. Coconut hadii aad helayso waa muhiim
11. Cinabka
12. Tufaaxa
13. Muuska
14. Maangada
15. Kaluunka iyo wixii sea food ah oo dhan(waa muhiim)
16. Hilibka (red meat)
17. Caanaha(nooca aan labeentu ku badnayn) law fat milk
18. Ciirta, ama yogurt, aroortii ayaad ku quraacanaysa
19. Ugu danbayn waxaad cabaysa maalintii biyo badan si ay shahwadaadu u noqoto mid tayo badan (quality semen sperm)
Cuntooyinka aad ka fogaanayso!
1- Basbaaska cas
2- Cuntooyinka dhanaanku ku badanyahay(all sour foods)
3- Tea, Coffee, Caffeine
4- Khalka lagu daro saladka (vinegar)
Lawadaag Asxbtada si ay ugu faa"iidan mahadsanidiin
0 Comments