Waa qiso dhab ah oo ka dhacday Dalka Yeman.
Sheekadan waxaa ka sheekeynaya bukaan ka mid ah bukaanno farabadan
oo Dhakhtarka ku jira. Wuxuu ku bilaabay sheekadiisa maalin maalmaha ka
mida ayaa waxaa Dhakhtarkii aan ku jiray la keenay nin aad u cabaadaya
kaasoo cabaadka ka baxaya bukaan kasta oo cisbitalka jiifa is yidhi adiga
xanuunka ku haya waxba maaha.
Ninkaasi cabaadaya waxaa la seexiyay qol aniga iga soo horjeeda.
Waxaa la gaadhay xilliga booqashada ehelada loo ogol yahay inay soo
booqdaan bukaanadooda meesha kaga jira.
Laakiin waxaa la yaabay!!! ninkan dadka soo booqanaaya oo ah eheladiisa
iyo asxaabtiisa qof kasta markuu qolka ka soo baxaayo wuxuu soo baxayaa
isagoo qoslaya qosol xad dhaaf ah oo adiguna aad kusii darayso mid kale.
Wiil ayaa waxa uu tagay Qabriga Gabar
Anigu waan is ciilay la yaab ayay igu noqotay, waxaan is weydiiyay naxariis
darrada dadka ka muuqata ee soo booqanaya bukaanka xanuunka haya
dartiis la cabaadaya & sida qof walba isagoo qoslaaya oo qosol beerku la
cadaaday uga soo baxayo bukaanka.
Markay xiligii booqashadu dhamaatay ayaa waxaan u tagay ninkii bukaanka
ahaa , markii aan sidaa ugu soo galay ayaa isagoo cabaadaaya waxa uu igu
yidhi, “Adigana ma waxaad iigu timid inaad iga maadsato”.
Intaan xoogaa aamusay ayaan ku idhi maya walaal, laakiin anigu waxaan
ahay bukaan waxaanan ku jiraa qolka kaa soo hor jeeda, waxaanan kuugu
imid inaan xaalkaaga ogaado anoo ka xun dadka maantoo dhan kugu
qoslaayay. Balse walaal waxaad ii sheegtaa sababta dadkan oo dhan iyagoo
qoslaya ay albaabka uga soo baxaayeen.
Ninkii waxa uu ka sheekeeyay sababta loogu qoslaayay, wuxuuna yiri, “
Ninyahow hadii aan sheekada kuu sheego anigu waxaan daganahay guri
dabaq ah, habeenkii markaan seexanaayo daaqadaha ma xidho guriga,
waxaa igu dhacay waan riyooday, waxaana ku riyooday iyadoo aan
aakhiro joogno oo dadka loo kala saaraayo ahlu jano iyo ahlu naar.
Waxaa meesha taagan basas fara badan oo ay ku qoran yihiin numbers kala
duwan, marka dadkii waa la xaadirinayaa , qofkastana magiciisa ayaa la
sheegayaa , qofkii ahlu jano noqdo waxaa la leeyahay waxaa raacdaa baska
hebel.
Baska naarta 100 km & baska janada 50km.
Magaceygii ayaa la soo gaadhay waxaa la igu yidhi waxaad tahay ahlu
janno waxaad raacdaa baska 53.
Aniga oy farxadu iga farabadatay waxaa doondoonay baskii 53-aad ee aan
ku qornaa, markan helay dalaq ayaan soo idhi.
Markii xoogaa uu sii socdo waxaan aragnaa boodhadh ay ku qoran tahay
Janadii waxaa idinka hadhay 20-km , kadib waan sii soconay aniga hurdaa
ila yara tagtay waxaanse mar qudha ku soo baraarugay oo indhaheygu
qabteen km-ka inoo hadhay, waxaana ku qornaa naartu waxaa idin ka
hadhay 40 km. Anigii waa naxay, dadkii ila saarnaa ayaan weydiiyay war
baskan xagee buu u socdaa? Naarta, ayaa la iigu jawaabay .
Mar labaad ayaan waydiiyay Nambarka baska aan saaranahay waxaa la ii
sheegay 35 inuu yahay , illeen farxadii ayaa iga fara badatay oo nambaradii
basaska ayaan isku khalday anigoo soo raacay baskii ahlu naarka; talaa igu
cadaatay .
War anigu ahlu janaan ahay waan soo khaldamay , waaba la igu qoslay
kkkkkkkk,wixii baska saarnaa oo dhani anay igu maad sadeen.
Aadbaan u naxay darawalkii ayaan ku idhi ii jooji ,waxaa uu ii sheegay
basku inuu meel qudha istaagayo waana naarta, bidixdaan eegay waxaa iga
fadhiya shaydaan , baskii oo dhan anaa lagu wada qoslayaa oo la igu
maadsanaya, Anigoo waxaa sameeyo garan la’ oo baskii ku sii
dhawaanaayo Naarta, ayaan mar qudha harraanti u qaaday Albaabkii baska
oo aan iska tuuray, balse waxaan ka war helay anigoo cisbitaalkaan jiifa.
riyaadii ayaa run u noqotoo daaqadii dabaqa ayuu ka soo dhacay wuuna
jajab
Na lawadaay sheeko kaa qoslisay ama dhacdo qosol bbadan oo ku gu dhacday.
Qoraa ABDIRIZAK TALASAME
1 Comments
AADBEY IIGA QOSLISAY FANNY WAAYE
ReplyDelete