Aniga iyo xaaskayga 25 sano ayaan is qabnaa maalina isma khilaafin..
Haddaad sababta i waydiisana waa tan
Xaaskayga mrkaan is guursanay 7-da intaan ku jirnay waxaan aadnay meel dalxiis ah waxay wadatay faras, Cabaar markaan soconay faraskii ayaa si qaldan ula booday wayna ka dhacday, xaaskayga intay istaagtay oo faraski madaxa ka salaaxday ayey ku tiri waa markii kowaada ee aad qalad iga gashay mar labaad ha sameynin..... hadana mar kale ayuu faraski booday xaaskaygana waa ka dhacday markaasey haddana inta madaxa u salaaxday waxay ku tiri..... mar Sedexaad Khalad ha iga gelin.... laakin markii sedexaad ayuu haddana booday faraskii xaaskaygana way ka dhacday!
Boorsadi ay wadatay ayay bastoolad inta kala soo baxday ayey faraskii madaxa ka toogatay...
Aniga intaan xanaaqay ayaan ku iri Naa Maxaad Xayawaanka u dishay adigaa Xayawaan kale ahe.....Markaasaa Xaaskeyga intey iisoo dhowaatay oo madaxa iga salaaxday waxey igu tiri.... waa markii kowaad aad i caysid mar labaad khalad ha iga gelin...... maalinkaas kadib mar labaad qalad kama gelin..... Sidaas ayaan 25sano khilaaf la'aan ku noolnahay marka hadda , waxaan rabaa in aan guursado gabar kale ila taliya.
SIDEE U HANAN KARTAA GABAR AAD JECESHAY QALBIGEED
BASKII 35(SHEEKO CAJIIB AH OO QOSOL B ADAN). BASKII 53 IYO BASKII 35(SHEEKO CAJIIB
0 Comments